Miiska Anagaa Leh: Sababta Ay U Muhiim Tahay In Laga Maqlo Codka Daryeelayaasha Carruurta ee Muhaajiriinta iyo Qaxootiga — Waqtigan Xaadirka ah

Maalin kasta gobolka Washington, waxaa la gaarayaa go’aanno muhiim ah oo ku saabsan waxbarashada carruurta da’da yar—go’aammo saameynaya maalgelinta, helitaanka adeegyada, shuruucda rukhsadaha, iyo cidda hoggaan u noqon karta nidaamyadaas. Laakiin aad iyo aad bay u badan tahay in daryeelayaasha carruurta ee muhaajiriinta iyo qaxootiga—oo ah laf-dhabarta nidaamka barbaarinta carruurta—aysan ka muuqan meelaha go’aamada lagu gaarayo.

Voices of Tomorrow (VOT) waxay aaminsan tahay in siyaasad kasta oo aan laga qeybgelin dadka ay tooska u saameyneyso aysan waligeed noqoneyn mid cadaalad ah. Sidaas darteed ayaan u bilownay Golaha Talo-bixinta Daryeelayaasha Carruurta—madal si gaar ah loogu talagalay daryeelayaasha muhaajiriinta iyo qaxootiga si ay u hoggaamiyaan, u doodaan, ugana talo bixiyaan arrimaha saamaynaya shaqadooda iyo bulshadooda.

Kursi Miiska Go’aamada—Iyo Awoodda Lagu Qaabeeyo

Golahan ma aha oo keliya matalaad—waa madal lagu beddelayo nidaamyo.

Daryeelayaasha muhaajiriinta iyo qaxootiga ma aha kuwo ku cusub shaqadan—waxaay sanado badan tiir u ahaayeen bulshooyin dhan. Waa macallimiin, waa ganacsato, waa dad ilaaliya sharciga iyo dhaqanka. Waxay bixiyaan daryeel ka tarjumaya qiyamka iyo aqoonsiga qoysaska. Si kastaba ha ahaatee, si nidaamsan ayaa looga saaraa qaabeynta nidaamyada ay maalin walba taageeraan.

Nidaamyo adag oo rukhsad ah, tababar aan loo turjumin, iyo siyaasado aan la jaanqaadin dhaqanka ay la kulmaan maalin kasta— Daryeelayaasha inta badan waxay ku shaqeeyaan nidaam aan iyaga loogu talagalin.

Bulshad Way sii kobcaysaa—Codkeenuna waa inuu la koraa

In ka badan 60,000 muwaadin oo ka soo jeeda Geeska Afrika ayaa maanta ku nool degmada King County oo keliya. Kuwo kale oo kumannaan ah ayaa ka yimid Latin America, Koonfur Bari Aasiya, iyo meelo kale oo dunida ah. Qaar badan waa waalidiin. Qaar badan waa daryeelayaal. Qaar badan ayaa ka shaqeeya barnaamijyo tayo leh oo ku saleysan dhaqanka.

Waxaa jira boqolaal daryeelayaal carruur oo muhaajiriin iyo qaxooti ah kuwaas oo shatiyeysan, kuwaas oo ka shaqeeya gobolka Washington—tiradooduna way sii kordhaysaa. Laakiin haddii waayo-aragnimadooda aan lagu saleyn doodaha iyo go’aamada, siyaasadaha waxbarashada carruurta da’da yar waxay sii ahaan doonaan kuwo cid gaar ah u adeegaya, oo aan caddaalad u ahayn dhammaan bulshooyinka.

Waqtiyada Mugdiga ah, Codkeennu Waa Awooddeena

Iyadoo ay socdaan hadal heyn la xiriirta dhimista miisaaniyadda gobolka ee barbaarinta carruurta, culayska dhaqaale ee sii kordhaya, iyo jahwareerka siyaasadeed—waligeed ma aysan jirin waqti ka muhiimsan in codka bulshada la dhageysto laguna saleeyo go’aamada.Talo ka bixiyaan arrimaha degdega ah ee saameeya noloshooda iyo bulshadooda

  • La shaqeeyaan barnaamijyo, adeegyo, iyo wacyigelin si loo gaaro bulshooyin kala duwan
  • U doodaan siyaasado cadaalad ah oo ku saabsan maalgelinta, rukhsadaha, iyo taageerada waxbarashada

Dhiseen hoggaan si ay ugu cod yeeshaan meel walba oo go’aan laga gaaro

Arrintani kuma eko ka hortagga jarista barnaamijyada. Waa dib-u-habeyn nidaamka barbaarinta carruurta ee gobolka Washington si uu ugu ekaado bulshadeena—una daboolo rajooyinkeena.

Golaha Talo-bixinta: Dadaal Dhab ah oo Waqtigiisu yahay hadda

Golaha Talo-bixinta Daryeelayaasha Carruurta waa madal ay daryeelayaasha muhaajiriinta iyo qaxootiga ku:

  • Talo ka bixiyaan arrimaha degdegga ah ee saameeya shaqadooda iyo bulshadooda
  • Ka shaqeeyaan horumarinta barnaamijyo, wacyigelin, iyo adeegyo dhaqameed ku habboon
  • U doodaan siyaasado furan oo la xiriira maalgelinta, rukhsadaha, iyo taageerada waxbarashada carruurta
  • Dhiseen hoggaan gudaha bulshada, kana shaqeeyaan wacyigelin lagu gaarsiiyo sharci-dejiyeyaasha, deeq-bixiyeyaasha, iyo dadweynaha

Goluhu wuxuu kulmaa afarta biloodba mar, waxaana jira fursado fogaan-arag ah. Mudada xubinnimada waa hal sano. Waxaa garab taagan Asha Farah (Khabiirka Siyaasadda Guud & Is-dhexgalka Bulshada) iyadoo hageusp, tababaraya, una gogol xaarayso guusha xubnaha golaha.

Kani Maaha Kulan Kaliya—Waa Dhaqdhaqaaq

Golahan ma aha muuq-muuqasho ama magaca kaliya—waa xaqiijin awood iyo ka qaybgal dhab ah. Waa garowsiga in dadka xanaaneynaya carruurteena ay xaq u leeyihiin inay hoggaan ka noqdaan sida loo taageero. In dadka ugu dhow dhibaatada ay yihiin kuwa ugu dhow xalka.

Haddii aad tahay kafaala-qaade ama deeq bixiye—waa waqtiga aad taageerilaheed dadaalkan.

Haddii aad tahay xubin ka tirsan bulshada—waa waqtiga aad dhegaysanlaheed codka daryeelayaasha.

Haddii aad tahay daryeele—waa meesha aad hogaamin karto.

Waxaan Ognahay Baahida Bulshadeena—Waxaan u Baahanahay Kaliya in Codkeena La Maqlo

Daryeelayaasheennu waxay si dhab ah u yaqaanaan waxa ay tahay daryeel la jaanqaadaya dhaqanka, ka jawaabaya dhaawacyada maskaxeed, isla markaana xaqiijinaya muhiimadda luqadda—waayo way la noolyihiin maalin kasta. Golaha Talo-bixinta Daryeelayaashu wuxuu dammaanad qaadaa in xigmaddaas aan kaliya la aqoonsan, balse laga dhigo udub-dhexaadka go’aamada saameeya kumannaan qoys oo ku nool gobolka oo dhan

Aan hubinno in codka daryeelayaasha muhaajiriinta iyo qaxootiga uusan ahayn kaliya mid la maqlo—laakiin uu noqdo aasaaska mustaqbalka waxbarashada carruurta.

Nala soo xiriir halkaan si aad wax uga ogaato Golaha Talo-bixinta Daryeelayaasha:

📧 Asha Farah – [email protected]

 

Back to Blog

Voices of Tomorrow is a non-profit organization that provides social services to immigrants and refugees from East African communities, the most vulnerable in Washington State.

Sign Up for Our Newsletter


Voices of Tomorrow is a non-profit organization that provides social services to immigrants and refugees from East African communities, the most vulnerable in Washington State.

Quick Links

Sign Up for Our Newsletter